3 askari oo loo xiray iney ku lug leeyihiin maqnaanshaha nin dhaqtar ah

Dhanka kale, 3 askari oo kale oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee booliska ayaa la xiray, iyagoo loo heysto maqnaanshaha nin dhaqtar ah oo ka howl gali jiray maamul goboleedka Meru.
Askarta la tuhunsanyahay ee xabsiga loo taxaabay ayaa dhammaantood waxa ay ka howl gali jireen saldhigyada ciidamada booliska ee xaafadaha Riruta iyo Kabete.
Waxa ay ka mid ahaayeen dadkii ugu dambeeyay ee xiriirka wada hadalka ah la sameeyay dhaqtarka maqan oo lagu magacaabo Alex Omariba.
Mr Omariba ayaa lagu soo waramay in la la’yahay tan iyo maalintii Jimcada ee ay taariikhda ku beegneyd 26-ki bishaan August.
Dambi baareyaasha kiiskaan gacanta ku haya ayaa codsaday in aan ragaan lasoo taagin maxkamadda, ilaa iyo inta ay kasoo dhameystirayaan baaritaannadooda.
Eedeymaha loo jeediyo booliska eek u aadan waxyeello loo geystay dad rayid ah ayaa soo badanayay mudooyinkaan.
Ku dhawaad 2 bilood ka hor ayey ahayd markii la afduubtay isla markaana la dilay qareen u doodi jiray arrimaha xuquuqul insaanka oo lagu magacaabi jiray Willie Kimani, qof macmiilkiisa ahaa oo la oran jiray Josephat Mwenda iyo darawalkooda oo lagu magacaabi jiray Joseph Muiruri.

1 thought on “3 askari oo loo xiray iney ku lug leeyihiin maqnaanshaha nin dhaqtar ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *