Booliska oo baadi goobaya askari waardiye ka ahaa xabsi oo baxsad ah

Ciidamada booliska ee ka howl gala maamul goboleedka Narok ayaa wali ku guda jira howlgal ay ku doonayaan in ay kusoo xiraan askari waardiye ka ahaa xabsi ay dowladda ku leedahay Narok.

Askarigaasi ayaa baxsaday kadib markii uu muddo 4 saacadood ah go’doon galiyay xabsiga oo uu si aan loo meel dayin rasaas ugu dhex furay.

Osborn Omondi oo ah dable ayaa falkaas xabsiga ka geystay maalintii khamiista ahayd ee lasoo dhaafay.

Xiligaas oo uu damacsanaa in uu dhammaan dadka xabsiga ku jira afduub u qabsado ayuu ku goodiyay in uu dili doono dhammaan saraakiisha ka sareysa, isagoo muujiyanayay sida uu uga careysanyahay kiisas ku saabsan xad gudubyo dhinaca anshaxa oo laga diiwaan galiyay.

Taliyaha ciidamada booliska ee maamul goboleedka Narok Jillo Galgalo ayaa sheegay in ilaa iyo hadda ay laamaha ammaanka ku howlanyihiin sidii ay ninkaas gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.

Mr Galgalo ayaa sheegay in ay dadaal xoogan ugu jiraan soo qabashada askarigaasi, si ay maxkamadda u hor geeyaan isla markii ay soo xiraanba.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *