Dugsiyada dalka oo maanta dib loo furayo

Xili dugsiyeedka sedexaad ee sanadkan oo ka kooban 9 todobaad ayaa lagu wadaa in uu bilowdo maanta oo ay taarikhdu ku beegantahay 29 bishan August sanada 2016 .
Howlaha waxbarasho ee dugsiyada guud ahaan dalka oo maanta dib u bilaabanaya ayaa la qorsheeyay in ay socdaan tan iyo 28-ka bisha tobanaad ee Oktobar.
Xili dugsiyeedkan oo horay ka kobnaan jiray 12 isbuuc ayaa hada noqonaya mid mudadiisu yartahay si fursad loo siiyo ardayda u fariisanayo imtixaanada qaran ee KCPE iyo KCSE.
Dowlada ayaa soo saartay shuruud adag oo la xiriirta xatooyada imtixaanadan oo qabsoomaya bisha Novembar ee isla sanadkan.
Shuruudan ayaa waxaa ka mid ah in warqadaha imtixaanka lagu soo daabaco dalka dibadiisa si xatooyada aysan u suurta gelin.
Dhanka kale isla maanta ayaa lagu wadaa in la bilaabo turxaanbixinta lagu sameynayo macalimiin tiradoodu kor u dhafeyso 7000 oo doonayo in ay ka mid noqdaan barayaasha dalka.
Turxaanbixintan oo laga sameyn doono guud ahaan dalka ayaa ah mid ku saleysan shuruud hor leh oo u soo saaray gudiga adeega macalimiinta ee TSC.
Waxa shuruudan ka mid ah in dadka codsiyada shaqo soo dirsaday oona la qaatay ay qasab ku tahay in ay diyar u noqdaan kuwo ka shaqeyn kara goob kasta oo wadanka ka tirsan oo la geeyo.
Madaxa fulinta ee gudiga TSC Nancy macharia ayaa sheegtay talaabada macalimiinta lagu geynayo meel degaanadooda ka baxsan la aaminsanyahay in ay xal u noqoneysa in macalimiinta badankoodu ay noqdaan kuwo ka soo jeedo degaanka ay wax ka dhigaan.
Waxa lagu wada in macalimiinta xiligii shaqa joojinta qaran ee bishii septembar ee sanadkii la soo dhaafay , qandaraas ku shaqeynayay in la siiyo mudnaanta koowaad.
Macalimiinta la qorayo ayaa looga gol leeyahay in ay buuxiyaan gabaabsiga dhanka barayaasha ah oo dhan 85,000 oo macalin.
Ugu dambeyntina macalimiin dhan 1225 ayaa lageyn doona dugisyada sare halka 3775 ay ka howlgali doonaan dugsiyada hoose dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *