Faahfaahin kasoo baxeysa qarax lala beegsaday safaaradda Shiinaha ee dalka Kirigistan

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa qasaaraha ka dhashay qarax is miidaamin ah oo aroornimadii hore ee saaka lala beegsaday safaaradda waddanka Shiinaha eek u taalla dalka Kirigistan.

Weerarkaas oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Bishkek ayaa waxaa ku dhintay qofkii naftiis huraha ahaa oo kaxeynayay gaari bas yar ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay, halka 2 ruux oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Saraakiisha laamaha caafimaadka ee dalkaasi ayaa laga soo xigtay in labada qof ee dhaawacantay ay ahaayeen mid ka mid ah shaqaalaha safaaradda iyo qof kale oo haweeney ah.

Raysul wasaare ku xigeenka dalka Kirigistan oo lagu magacaabo Jenish Razakov said ayaa sheegay in weerarkaan uu ku dhintay qofkii argagixisanimada lagu tuhunsanaa oo kaliya.

Mr Razakov ayaa intaas ku daray in dhacdadaan ay tahay tii ugu horeysay ee nooceeda ah oo laga fuliyo dalkaasi ku yaalla qaaradda Asia.

Raysul wasaare klu xigeenka iyo saraakiil kale oo la socotay ayaa durba booqday goobta uu ka dhacay weerarkaasi.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Shiinaha ayaa si kulul u cambaareysay weerarkaasi oo aysan wali jirin cid sheegatay masuuliyaddiisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *