Turkeyga iyo Mucaaradka Syria oo loogu baaqay in ay u midoobaan la dagaalanka Daacish

Wasaaradda gaashaan dhigga ee dalka Mareykanka ayaa ka codsatay dowladda Turkeyga iyo kooxda Kurdiyiinta ah eek u sugan waqooyiga waddanka Syria in ay iska kaashadaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen xoogagga kooxda isku magacowday khilaafada Islaamka ee Ciraaq iyo Shaam.

War saxaafadeed maanta oo Isniin ah uu soo saaray wasiirka difaaca ee Mareykanka Ash Carter ayaa lagu sheegay in haddii la isku kabo awoodaha Milatariga Turkeyga iyo kooxaha Kurdiyiinta looga adkaan karo kooxda ISIL.

Carter ayaa ka dhawaajiyay in aan loo baahneyn in Turkeyga iyo Kurdiyiinta ay dhexdooda isku jeestaan, iyagoo leh waxa uu ugu yeeray 1 cadow oo ay la dagaalami karaan.

Hadalka kasoo yeeray xukuumadda Washington ayaa yimid xili ay ciidamada dowladda Turkeyga ku howlanyihiin weeraro ay ku bartilmaameedsanayaan xoogaga Kurdiyiinta ee loo yaqaanno YPG.

Masuuliyiinta Turkeyga ayaa sheegay in weeraradii ugu dambeeyay ee ay ka fuliyeen gudaha Syria ay ku dileen ugu yaraan 25 dagaalyahan oo ka tirsan Kurdiyiinta YPG.

Kooxda YPG ayaa ku jirta 2 dagaal oo mid ay kula jirto kooxda Daacish midka kalena ay kula jirto dowladda Turkeyga oo mudooyinkaan xoojisay dhaqdhaqaaqyadeeda gudaha Syria.

1 thought on “Turkeyga iyo Mucaaradka Syria oo loogu baaqay in ay u midoobaan la dagaalanka Daacish

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *