Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda ISIL oo gobolka Allepo lagu dilay

Afhayeenka kooxda isu magacawday khilaafada Islaamka ee Isil Abu Mohamed al-Adnani ayaa waax lagu dilay gobolka Allepo ee kuyaala waddanka Syria sida u shaaca ka qaaday website loola xiriirinaayo kooxdan.

Amaq oo ah warbaahin loola xiriirinaayo kooxda ISIL ayaa waxa ay maalinta shalay ahayd sheegtay Adnani la dilay xili u hawlo kormeer ah oo military uu u joogay gobolka Allepo.

Adnani oo ah sarkaalka labaad ee ugu sareeyo kooxda ISIL ayaa waxa u kamid ahaa sarkaalada mudada dheer ka hawlgali jiray kooxdaas.

Warbixinada ku aadan dilka Adnani ayaa ah mid aan cadeyn.

Sarkaal sare oo ka tirsan militariga waddanka Maraykanka ayaa waxa u galinki dambe ee shalay uu u sheegay wakaalada wararka ee Reuters in u sarkalkaas  laga dilay kooxda ISIL u ku dhintay duqeymo dhinaca cirka ah oo ay iyaga ka fuliyeen gobolkaas.

Ninkan la dilay ayaa waxa u ahaa xubin muhiim ah oo ka tirsan kooxda sanbadihi ugu dambeeyay iyado la sheegay in u intarnetka soo dhigaayay codad u ku dhiiri galinaayo dagaalyahanada kooxda in ay laba labaan weerarada ay qaadan.

Sanadki 2000 ayay ahayd marki u Adnani sheegay in u daacad u yahay hoggaamiyaha al-Qaacidada Iraq Abu Musab al-Zarqawi waxana loo diray in u ka dagaalamo waddanka syria sanadki 2011-ka kadib marki u 3 sano ku soo qaatay xabsiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *