Booliska Kajiado oo baaraya dilka nin meydkiisa oo goo go’an la helay

Ciidamada booliska ee ka howl gala maamul goboleedka Kajiado ayaa maanta billaabay baaritaanno ku aadan dhimashada nin meydkiisa oo googo’an laga helay waddo dhineceeda.

Ninka oo da’diisa lagu qiyaasay 27 sano jir ayaa meydkiisa subaxnimadii talaadada ahayd laga helay xaafadda Kitengela ee maamul goboleedka Kajiado.

Booliska ayaa sheegay in aan wali la aqoonsanin qofka uu yahay iyo halka uu daganaa toona.

Sidoo kale lama oga cidda ka dambeysay dilkiisa oo la aaminsanyahay in uu ka dhacay meel kale, ka hor inta aan wadada dhineceeda lagu soo tuurin.

Saraakiisha laamaha amaanka ahaa laga soo xigtay in In kastoo ay qeybo ka mid ah jirkiisa ka muuqdeen dhaawacyo waaweyn, hadana ma jirin wax dhiig ah oo lagu arkay goobta uu meydkiisa yaalay.

Taliyaha ciidamada booliska ee maamul goboleedka Kajiado Tom Odera  ayaa sheegay in ay wadaan baaritaan qota dheer oo la xiriira dhacdadaasi argagaxa galisay dadka deegaanka Kitengela.

Mudooyinkaan ayaa waxaa qeybo ka mid ah dalka laga soo tabinayay dilal loo geystay dad markii hore six un loo jir dilay.

Booliska ayaa hadda wada baaritaanno la xiriira dilka nin dhaqtar ka ahaa magaalada Meru oo dhawaan la helay meydkiisa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *