Chase Bank oo billaabay dhaqan galinta xeerka dhimaya faa’iidada deymaha

Masuuliyiinta bangiga Chase ee ka howl gala dalka ayaa maanta shaaciyay in ay billaabeen dhaqan galinta xeerka yarenta faa’iidada dul saarka ah ee deymaha ay bixiyaan bangiyada.

War saxaafadeed ay soo saareen maamulka Chase Bank oo nuqul ka mid ah lasoo gaarsiiyay Idaacaddan Star Fm ayaa lagu sheegay in deymaha uu horay u bixiyay bangiga ee aan wali soo xaroonin iyo kuwa uu hadda kadib bixin doonaba lagu maareyn doono xeerkaasi cusub.

Go’aankaan ayaa yimid xili uu madaxweyne Uhuru Kenyatta dhawaan qalinka ku duugay hindise sharciyeedka yareynaya faa’iidada bangiyada bixiya deymaha, kuwaasoo loo ogolaaday in ay dul saartaan 14% oo kaliya.

Sharcigaas oo hadda dhaqan gal noqday markii uu madaxweynaha saxiixay kadib ayaa waxaa horay usoo meel mariyay mudaneyaasha aqalka baarlamaanka ee dalka.

Dadka Kenyanka ah ee la macaamiltama bangiyada ayaa aad u soo dhaweeyay tallabada lagu ansixiyay hindise sharciyeedkaasi oo ay u arkaan mid ay faa’iido weyn oo dhinaca dhaqaalaha ah ugu jirto.

Dhammaan bangiyada kale ee dlaka ayaa laga dhowrayaa in ay shaaciyaan waqtiga ay billaabayaan hir galinta sharcigaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Chase Bank oo billaabay dhaqan galinta xeerka dhimaya faa’iidada deymaha

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *