Ciidamada booliska oo qarxiyay bam shalay laga helay Magaalada Lodwar

Ciidamada booliska kuwaado ku xeel dheer aaladaha qarxa ayaa shalay galab oo arbaca ahayd loo diray Magaalada Lodwar si ay u soo eegan islamarkaana u qarxiyaan bam halkaasi laga helay.

Bamkan oo lagu arkay xafad lagu magacaabo Makuti Estate oo katirsan Magaalada Lodwar ayaa waxa u argagax iyo cabsi ku abuuray dadka deeganka ee halkaa ku dhaqan.

Khuburada bambaanooyinkas oo gaaray goobta lagu arkay aaladaasi oo ku dhow xereda ciidamada militariga dalka ee KDF-ta ayaa markii dambe abaare 6.48 daqiiqo ee maqribno ku guulestay in ay qarxiyaan isagoo aan wax dhibaato ah garsinin shacabka aagaasi.

Bamkaasi oo ahaa kuwa garabka laga gano ayaa waxaa lagu soo waramaya in laga maqlayay goobo shan kilomitar u jirto goobta lagu qarxiyay.

Ciidamada booliska ayaa sheegay in bamkaasi u ahaa kii loo adegsan jiray dagaalkii labaad ee aduunka, waxayna intaas ku dareen in uu u dhawaa in u qarxo.

OCPD-ga bartamaha Turkana Kipkemboi Kirui oo xaqiijiyay ayaa sheegay in hadii uu bamkaasi qarxi lahaa in u sababi lahaa in u bur bur u gesto dhismayaashii ku agdhawaa.

Mr Kirui ayaa sheegay in aaladaasi ay heleen laba caruur ah oo ku ciyaareysay waxayna isku dayayeen in ay si xoog ah u kala furan taaso sababtay in ay eheladooda u keenaan.

Taliyaha ciidamada dambi baarista ee Maamul goboledka Turkana Moses Cheruiyot ayaa ugu baaqay shacabka in ay feejignaan dheeri ah muujiyaan islamarkaana sida ugu dhaqsiyaha badan ay ugu soo wargaliyaan ciidamada booliska wax walibo oo ay ka shakiyaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *