
Waddanka Malaysia ee ku yaalla koonfurta bari ee qaaradda Asia ayaa laga soo tabiyay kiiskii ugu horreeyay ee ah cudurka Zika oo ay dhaliso isla markaana gudbiso kaneecada.
Cudurkaan oo saameyn ku yeesha maskaxda carruurta uurka hooyada ku jira ayaa waxa uu saameyn ballaaran ku yeeshay dadal ku yaalla qaaradda Latin America.
Sida ay shaaciyeen masuuliyiinta Malaysia, Viruska ama cudur sidaha ayaa laga helay qof dumar ah oo dhawaan booqatay dalka ay Malaysia dariska yihiin ee Singapore, halkaasoo ay ku suganyihiin 115 ruux oo cudurkaasi qabta.
War saxaafadeed maanta oo Khamiis ah kasoo baxay waaxda caafimaadka ee dalka Malaysia ayaa lagu sheegay in haweeneyda bukaanka ah oo ay da’deeda tahay 58 sano jir uu xanuunkaan soo ritay 1 isbuuc kadib markii ay dib uga soo laabatay dalka Singapoe.
Shaqaalaha caafimaadka ee dlakaasi ayaa hadda billaabay tijaabooyin dheeraad ah oo ay ku doonayaan in ay ku ogaadaan haddii ay jiraan dad kale oo cudurkaasi uu saameeyay.
Waaxda koontaroolka cudurrada ee dalka Mareykanka oo si weyn ula socotay dhaqdhaqaaqa Zika ayaa dhawaan sheegtay in dalka Singapore uu yahay waddanka kaliya eek u yaalla qaaradda Asia oo uu gaaray cudurkaasi.
Hase ahaatee Malaysia ayaa noqoneysa dalkii 2-aad ee uu ka dillaaco cudurkaasi halista ba’an leh.
Ahaa, its pleasant conversation concerning this post here at this website, I have read
all that, so now me also commenting at this place. http://bing.net