Musharaxa Madaxweyne ee dalka Mareykanka Donald Trump oo la kulmay Madaxweynaha dalka mexico

Murashaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa Arbacadii shalay booqasho kadis ah ku tagay dalka Mexico halkaasi oo uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha waddankaasi Enrique Pena-Nieto.

Booqashada Trump ee Mexico ayaa kadis ku noqotay shacabka dalkaasi oo si weyn u dhibsaday in murashaxaasi Maraykanka uu wadankooda soo booqdo maadaama horey uu u aflagaadeeyey dadka kasoo jeeda Mexico isla markaana ku baaqay in la dhiso darbi lagu xiro xaduuda Maraykanka u la wadaago Mexico.

Trump ayaa xiligii u tagay Mexico wax badan ka bedalay hadaladii qalafsanaa ee uu marwalba la beegsan jiray wadankaasi ay Maraykanka jaarka yihiin.

Donald Trump ayaa amaan badan kala dul dhacay shacabka Mexico isagoona sheegay in labada dal xariir dheer ay leeyihiin isla markaana loo baahan yahay in arrimaha dhexyaala ay si wadajir ah u xaliyaan.

Trump ayaa kadib booqashadiisii Mexico waxa uu khudbad kasoo jeediyey magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka, halkaasi oo uu ka shaaciyey xog dheeraad ah oo la xiriira qorshihiisa ku aadan dadka soogalootiga ah isla markaana markale ku celiyey inuu dhisi doono darbi uu ku xirayo xaduuda Mexico iyo imtixaan laga qaadi doono dadka muslimiinta ah ee doonaya inay ku noolaadaan wadankaasi Maraykanka.

Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga ayaa lagu yaqaana in u hadalo is burinaya u ku hadlo, waxayna khudbadiisa ugu danbeysay ee Arizona muujineysaa inuu ku raali gelinayo taageerayaashiisa xagjirka iyo cunsuriyiinta ah oo si weyn u jecel in cadaadis la saaro dadka laga tira badan yahay ama soogalootiga.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *