
Magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Kenya ayaa maanta laga soo tabiyay inuu ka jiro qorrax madoobaad saameyn leh oo ay dadka goob joog u noqdeen.
Meelaha qorrax madoobaadka laga arkay ayaa waxaa ka mid ahaa Deegaanno ku yaalla maamul goboleedyada Garissa , Nakuru, Eldoret, Kitale iyo Bungoma.
Qorraxda oo la arki karay in ay qeyb ahaan madoobaatay ayaa magaalooyinka qaarkood waxa ay saameyn ku yeelatay ilaa 4 saacadood.
Magaalo madaxda Nairobi iyo nawaaxigeeda ayaa sidoo kale laga dareemi karay in ay qorraxda nusqaamisay iftiinka iyo kuleylkeedii caadiga ahaa.
Seynisyahannada cilmiga hawada ayaa sheegay in ay aad khatar u tahay in indhaha si caadi ah loogu eego qorraxda marka ay madoobaato, taasoo keeni karta in uu qofka indho beelo.
Markii ugu dambeysay ee ay qoraxda madoobaato gudaha Kenya ayaa ahayd sanadkii 2013-ki, waxaana xiligaas qorrax madoobaadka si weyn looga arkay magaalada Turkana ee Waqooyiga dalka.
Hi, I do believe this is an excellent website. I stumbledupon it ;
) I will come back once again since i have bookmarked
it. Money and freedom is the best way to change, may you
be rich and continue to guide others. http://bing.co.uk