Xisbiga ODM oo maanta u dabaal dagayo sanadguradiisa 10-aad

Raila-Odinga

Xisbiga ODM ayaa maanta lagu wadaa in ay qabtaan xaflo casho sharaf ah oo ay ku casuumeen tageerayaasha xisbiga daacada u ah iyado xafladaasna ay tahay dabal daaga sanadguuradii 10-aad ee ka soo wareegtay marki dhidabada loo taagay xisbigaasi.

Hoggaamiyaha ODM Raila Odinga ayaa sidoo kale lagu wada in u munaasabaddaas u adeegsado in u shaaca kaga qaado ololaha uu ugu jiro in loo doorto xilka ugu sareyo dalka ee madaxweynenimo.

Kusimaha xoghayaha guud ee xisbiga ODM Agnes Zani ayaa waxa ay sheegtay in xafladaas lagu casumay tageerayaasha in mudo ahba xisbigan garab taagnaa isla markaasina tageero u muujiyay inta u dhisnaa.

Mrs Zani ayaa intaas ku dartay in  xafladaas ka dhici doonta hoteelka Laico regency ee magaaladatan Nairobi lagu casuumay xildhibaanada,Gavanarada,senetarada iyo wakiilada aqalka hoose ee baarlamaanada countiyada ee ka tirsan xisbiga ODM.

ODM ayaa waxa la aas aasay sanadki 2006-di xiligaas oo olole loogu jiray in dalka laga hirgaliyo dastuur cusub.

Hogaamiyaha xisbigaan Mr Odinga oo ahaan jiray wasiir ka tirsan xukumadda Madaxweynihi hore ee dalka Mwai Kibaki ayaa sidoo kale soo noqday raysul wasaarihii Kenya intii u dhaxeysay sanadihii 2008-di ilaa 2013-ki.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *