8 qof oo ku dhimatay shil ka dhacay Homa Bay

8 ruux ayaa ku geeriyootay halka in ka badan 10 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen shil gaari oo shalay galinkii dambe ka dhacay wadada isku xirta deegaannada Kendu Bay iyo Katito ee maamul goboleedka Homa Bay.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii ay isku dheceen gaari kuwa rakaabka qaado ah ee loo yaqaanno Matatuga iyo gaari kale oo kuwa yar yar ah.

Andrew Naibei oo ah sarkaal ka tirsan waxda Taraafikada ee gobolka Nyanza ayaa sheegay in 6 ka mid ah dadka ay ku dhinteen isla goobta u shilka ka dhacay, halka 2-da kalena ay isbitaalka ku geeriyoodeen xilli xaaladooda caafimaad lala tacaalayay.

Shilkaan ayaa tirada dadka ee ku dhintay shilalkii isbuuc gudihiisa ka dhacay Gobolka Nyanza ka dhigaya 12 ruux.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *