Laba qof oo burcad ah oo la togtay

Ciidamada booliska ee ka howlgala Magaalada Ruiru ee maamul goboledka Kiambu ayaa waxay toogasha ku dileen laba qof oo lagu tuhmay in ay burcad ahaayen.

Booliska ayaa waxay dhacdadaasi ku heleen qori noocisa ahaa AK-47 oo ah hub ay burcadaasi dhibaatada ugu geysanaayen dadka deegankaas.

Howl baaxad leh oo ay sameeyen ciidamada ka howlgala saldhigyada Ruiru iyo Githurai ayaa talabadaasi qaday kadib markii ay soo wargaliyeen shacabka aagaasi.

Burcaddan la dilay ayaa lagu qiyaasay da’dooda 25 ilaa 28 sano jir halka AK-47 iyo 25 rasaas ah iyo hub kale lagu soo qabtay.

David Chebii oo ah taliyaha ciidamada dambi barista ee Magaalada Ruiru oo xaqiijiyay dhacdadani ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan ay soo wargaliyeen booliska kadib markii ay arkeen ragaasi oo dhac iyo argagax ku hayay dadka deeganka.

Dilkan loo gestay burcada ayaa dhacay galabnimadii maanta oo jimco ahayd waxana la rumeysan yahay in dableydaasi ay ahaayen raga dhac ka gestay inta u dhaxeyso Githurai iyo Kimbo shalay oo khamiis ahayd.

Meydadka labadaasi qof ayaa loo qaaday xarunta meydadka lagu keydiyo ee Isbitaalka City si baaritaano lagu sameeyo.

Dhanka kalana ciidamada halkaasi ka howlgala ayaa u garsanaya raga kale oo ka baxsaday howlgalkaasi kuwaas oo isla qowleysan jiray burcadda la dilay.

Laamaha amaanka ee dalka ayaa malmihii la soo dhaafay sare u qaaday howlgalka iyo gacanta lagu qabanayo dadka looga shakiyo burcadnimada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *