Madaxweynaha dalka Uzbekistan oo la soo sheegayo in u geeriyooday

Waxaa lagu soo waramaya in uu geeriyooday madaxweynihii dalka Uzbekistan oo goor sii horeysay laga deyrinaayay xaladiisa caafimad, Madaxweynahaasi ayaa ahaa madaxweynaha mudada dheer xilka hayay ee dalkaasi Islam Karimov.

Warar hoose oo laga helayo dowlada dalka Uzbekistan ayaa waxay sheegayaan in Mr Islam Karimov u geeriyooday wallow arintaas aysan ilaa  iyo hadda ku dhawaaqin dawlada Uzbekistan.

Arrintaan ayaa horseedi karta in dalka Uzbekistan oo ah waddanka ugu dadka badan dalalka ku yaalla bartamaha qaaradda Asia ay ka dhacdo awood wareejintii xilka madaxweynaha ee ugu horeysay tan iyo markii uu xornimada qaatay dalkaas.

Madaxweyne Karimov oo markii hore xanuunsanaa ayaa waxa ay xaaladiisa aad usii xumaatay 24-kii saacadood ee lasoo dhaafay, sida lagu sheegay war maanta oo jimce ah kasoo baxay golaha  wasiirrada ee dalka Uzbekistan.

Madaxweynaha 78 sano jirka ah ayaa isbitaalka ku jiray tan iyo maalintii sabtida ahayd ee isbuucii la soo dhaafay.

Shacabka Uzbekistan ayaa shalay oo ahayd 1-di bisha September u dabaal dagay maalinta ay xoriyadda ka qaateen gumeysiga, waxaana markii ugu horeysay fagaaraha xuska maalinta gobanimada kasoo muuqan waayay madaxweynaha, taasoo keentay in ay isa soo taraan wararka ku saabsan xaaladiisa caafimaad ee liidata.

Warar markii hore soo baxay oo dib laga beeniyay ayaa sheegayay in Mr Karimov u geeriyooday 29-ki bishii August ee la soo dhaafay.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *