Madaxweyne Uhuru iyo kuxigeenkiisa oo ka baroor diiqaya geerida wasiirkii hore

Madaxweyne Uhuru Kenyatta, ku xigeenkiisa William Ruto, hogaamiyaha isbahaysiga mucaaradka ah ee CORD Raila Odinga iyo hogaamiyeyaal fara badan oo saameyn ku leh siyaasadda dalka ayaa maanta u baroor diiqaya geerida ku timid wasiir horay uga tirsanaa dowladii madaxweynihii hore ee dalka Mwai Kibaki kaas oo lagu magacaabi jiray William ole Ntimama.

Mr Ntimama oo sidoo kale ahaa xildhibaankii hore ee degmada Narok ayaa xalay abaare 10.30 pm ee caweysnimo ku geeriyooday gurigiisa oo ku yaalla magaalada Narok.

Madaxweyne Kenyatta, iyo siyaasiyiinta kale ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, asxaabta iyo bulshada Kenya ee u ka dhintay Ole Ntimama oo ahaa rug caddaa siyaasadeed.

Farriinta tacsida ah ayuu madaxweynaha ka soo diray magaalada Mombasa oo u ku joogo socdaal shaqo oo howlaha dowladda qeyb ka ah.

William ole Ntimama ayaa 25 sano ah waxa uu ahaa xildhibaanka aqalka baarlamaanka ee dalka u matala degmada waqooyiga Narok, isagoo muddo 15 sanona ahaa gudoomiyaha golaha maamulka Narok ee loo yaqaanno County Council, ka hor inta uusan dalka galin nidaamka dowlad wadaagga.

Ninkaan oo awood dhinaca taageerada ah ku lahaa bulshada Masaai-da ayaa hadda waxa ay da’diisu ahayd 88 sano.

Dowladdii Mwai Kibakina waxa uu ka soo noqday wasiirkii xukuumadda daakhiliga.

Ntimama ayaa xanuun caadi ah ugu dhintay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Narok.

Taliyaha ciidamada booliska ee Narok Jillo Galgalo oo xaqiijiyay dhimashada Ntimama ayaa sheegay in siyaasiga xanuun laga daweynayay muddo 1 bil ah.

William ole Ntimama oo sanado badan door hogaamineed ku lahaa siyaasadda dalka xil wasiir oo awood bandanna soo qabtay ayaa waxa u 14-kii bishii September ee sanadkii 2013-ki ku dhawaaqay in uu howl gab ka noqday siyaasadda.

Bishii March ee sanadkii 2014-kina waxa u shaaciyay in u ka noqday taageeridda xisbigii u horay uga tirsanaan jiray ee ODM, isagoo u weecday dhinaca xisbiga TNA, waxaana uu hogaamiyeyaasha Narok iyo Laikipia ku cadaadinayay in ay ku biiraan isbahaysiga talada haya ee Jubilee.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *