Manchester City oo sheegtay in ay is hor istaagi doonto eedeymaha loo heysto Sergio Aguero

Kooxda Manchester City ee u laaliyo tababare Pep Guardiola ayaa sheegtay in ay go’aan ku qaadatay in ay is hor istaagto eedeymaha loo soo jeediyay laacibka reer Argentina ee kooxda ugu dheelo weeraryahanka Sergio Aguero.

Aguero ayaa waxa lagu eedeynaya in u  xusulka ku dhuftay daafaca kooxda Westham Winston Reid qeybti dambe ee ciyaarti labadaas kooxood ku dhex martay garoonka Etihad axadi aanu ka soo gudubnay.

Reid ayaa marki dambe laga saaray garoonka isago la sheegay in u dhaawac ka soo gaaray  xusulka u ku dhuftay Sergio Aguero.

Gudiga FA-ga ee go’aanka ka gaarayo arrintaas ayaa waxa lagu wada in ay maanta kulan wada yeeshan kaas oo ay kaga wada xajoonayan arrinta Aguero.

Aguero ayaa laga yaaba in la ganaaxo 3 kulan waa haddi lagu helo eedeymahaas.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *