Qaraxyo qasaare geystay oo lala beegsaday maxkamad ku taalla Pakistan

Ugu yaraan 12 ruux ayaa ku geeriyootay halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxyo mataano ah oo maanta lala beegsaday maxkamad ku taalla waqooyiga galbeed ee dalka Pakistan.

Maxkamadda la weeraray ayaa ku taalla magaalada Mardan ee gobolka Khyber-Pakhtunkhwa ee dalka Pakistan.

Labada qarax ayaa laga fuliyay afaafka hore ee maxkamadda oo xiligaasi ay ka socdeen howlo maalmeedka caadiga ah, sida laga soo xigtay sarkaal ka tirsan kooxaha gurmadka.

Dhacdadaan ayaa qeyb ka ah qalalaase isbuucyadii lasoo dhaafay ka socday qeybo ka mid ah waddanka Pakistan oo ay ka dagaalamaan garab ka mid ah ururka Taliban.

Dhawaan ayey ahayd markii ay booliska Pakistan toogasho ku dileen 4 nin oo isku dayeysay in ay qaraxyo is miidaamin ah ka fuliyaan kaniisad ay ku sugnaayeen dad masiixiyiin ah oo ku taalla magaalada Peshawar ee dhacda isla waqooyiga galbeed ee dalka Pakistan.

Weerarada ka dhaca Pakistan ayaa sii kordhayay tan iyo sanadkii 2014-ki, markaas oo Milatariga waddankaas ay billaabeen howlgallo ka dhan ah kooxaha ka dagaalama waqooyiga gobolka qabaa’ilka degaan ee Waziristan, kaas oo u dhow xadka ay wadaagaan dalalka Pakistan iyo Afganistan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *