Siyaasiyiinta Mombasa oo dib u dhigay mudaharaadyo looga soo hor jeedo dilalka ay booliska geystaan

Ururrada u dooda xuquuqda aadanaha iyo hogaamiyeyaasha siyaasadeed ee magaalo xeebeedka Mombasa ayaa ku dhawaaqay in ay dib u dhigeen mudaharaadyo looga soo hor jeedo dilalka ka baxsan sharciga caddaaladda ee lagu eedeeyo booliska.

Mudaharaadyadaas oo mudooyinkaan u qorshohooda socday ayaa markii hore lagu waday in ay qabsoomaan maanta oo jimca ah.

Dhinacyada qaban qaabinayay isu soo baxyadaasi oo ay hor kacayso hay’adda u dooda xuquuqul insaanka ee Haki Africa ayaa laamaha ammaanka ku war galiyay in ay baajiyeen mudaharaadyada maanta la filayay.

Agaasimaha hay’adda Haki Africa ee fadhigeedu yahay magaalada Mombasa Hussein Khalid ayaa warqad u arrintaan ku shaaciyay waxa uu sidoo kale ku xusay in ay tallaabadaasi hakinta mudaharaadka ah u qaadeen kadib markii ay booliska kula taliyeen sidaasi.

Mr Khalid ayaa ka dhawaajiyay in laamaha ammaanka ay ka heleen farriin ah in aysan u heli Karin ciidamo ku filan oo suga ammaanka, maadaama ay booliska xooga saarayaan sugidda amniga madaxweyne Uhuru Kenyatta oo ku sugan Mombasa.

Madaxweyne Kenyatta oo u wehlinayo ku xigeenkiisa William Ruto ayaa lagu wadaa in ay booqasho ku tagaan maamul goboleedyo kale oo ka tirsan gobolka Xeebta.

Si rasmi ah looma shaacinin waqtiga kale ee ay qabsoomi doonaan mudaharaadyada ka dhanka ah dilalka maxkamad la’aanta ah ee booliska lagu dhaliilayo.

Walaaca ku saabsan dilalkaasi ayaa mudooyinkaan aad u sii xoogeystay, iyadoo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha ay sheegeen in ugu yaraan 71 la dilay ama la waayay sababo aan ilaa iyo hadda la garaneynin awgood.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *