Wakiilada hoose ee barlamanka Countiga Nyeri oo cod u qaaday xilka ka qaadista Gavanaha Countigaasi

Wakiilada hoose ee barlamaanka ee Maamul goboleedka Nyeri ayaa cod u qaaday Gavanaha countigaas Nderitu Gachagua si looga qaado xilka gavananimo.

Mooshin ka dhanka ka Mas’uulkaasi oo goor sii horeysay la geeyay aqalka ayaa waxaa ka dhashay is qab qabsiga xoogan oo markii dambe horseeday in wakiilada ay isku gacan qaadaan kadib markii mudanayaasha taagersan gavanaha iyo kuwii kasoo horjeeday oo mooshinka keenay in ay isku fahmi waayen doodaasi.

Maanta oo jimco ahayd oo ay wakiilada yeeshan kulankooda caadiga ahaa ayaa waxaa mar kale aqalka la hokeenay mooshin ka dhan ah gavanaha, mooshinkaasi ayaa waxa tageeray 32 wakiilo oo kamid ahaa 46 wakiilo ee aqalkaasi ku sugnaa taas oo sahashay xil ka qaadista Mas’uulkaasi.

Intii lagu guda jiray dooda mooshinkaasi laba qareen oo uu doodayay Mr Gachagua ayaa loo diiday in ay galan gudaha aqalka oo ay dooda aad u xooganeed ka socotay.

Labadaas qareen oo lagu magacaabo Wanyama iyo Mansur Esar ayaa waxay siteen ducomentiyo muujinayaa jawabta uu bixinayay gavanaha Maamulkaasi oo la xariira eedeymaha loo jeedinayo.

Afhayenka David Mugo ayaa u sheegay qareenadaasi in aysan gudaha u soo gali Karin aqalka islamarkaana aysan u doodi Karin gavanaha.

MCA-yada ayaa waxay ku eedeeyen gavanaha in uu xafiskiisa sidii loogu talagalay uu u mareeyo iyo sidoo kale in uusan ka jawaabin su’alo la weydiyo oo la xiriira musuq maasuqa.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Wakiilada hoose ee barlamanka Countiga Nyeri oo cod u qaaday xilka ka qaadista Gavanaha Countigaasi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *