1 qof oo ku dhintay dab ka kacay guri ku yaalla Tharaka Nithi

Wararka ka imaanaya maamul goboleedka Tharaka Nithi ayaa sheegaya in uu 1 qof ku geeriyooday dab xoogan oo habeenimadii xalay ka kacay guri ku yaalla xaafadda Mucwa ee ka tirsan Countiga Tharaka Nithi.

Qofka dhintay ayaa ahaa arday wax ka dhigan jiray jaamacadda, kaasoo daganaa guriga uu dabka ka kacay.

Hooyada dhahay ardaygaasi ayaa lagu soo waramay in iyadana uu dhaawac kasoo gaaray dhacdadaasi, haddana lagu daweynayo isbitaalka magaalada Chuka.

Dadka dariska la ah qoyskaasi iyo booliska oo is kaashanaya ayaa ku guuleystay in ay damiyaan dabkaasi oo ay ka badbaadeen dadkii kale eek u sugnaa guriga.

Dad goob joogeyaal ah oo warbaahinta uga waranay dhacdadaas ayaa sheegay in ay waqti ku qaadatay la tacaalidda musiibadaasi.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee keentay inuu kaco dabkaasi.

Xalay maqribkii ayey ahayd markii uu dab kale oo qasaare hantiyeed  geystay ka kacay School ku yaalla maamul goboleedka Siaya ee galbeedka dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “1 qof oo ku dhintay dab ka kacay guri ku yaalla Tharaka Nithi

  1. I’ve been browsing online more than 3 hours today, yet I never
    found any interesting article like yours. It’s pretty worth enough for me.
    Personally, if all webmasters and bloggers made good content as you did, the web will be a lot
    more useful than ever before. http://yahoo.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *