Dab khasaaro hantiyadeed gestay oo ka kacay school ku yaala Countiga Siaya.

Khasaaro aan cadadkeeda la cayimin ayaa lagu soo waramaya in ay ku bas beeshay schoolka sare ay gabdhaha dhigtaan ee lagu magacaabo Bishop Okoth Mbaga oo kuyaala Maamul goboledKa Siaya.

Dabkan oo scholkaasi ka bilawday shalay maqrib ayaa waxaa uu ka kacay qeybta jiifka ee ay ardayda sexdaan sida laga soo xigtay macalimiintii aqrinayay dugsigaasi.

Maamulaha schoolka haweeneyda lagu magacaabo Mary-Lucy Abitha oo xaqiijisay dabka ayaa waxay shegtay in xiligii u dabka kacayay ay ahayd waqti ay ardayda isku diyaarinayeen durusta fiidka hore la aqristo.

Ms mary ayaa intaa kudartay in ay u qaylo dhaamiyen ciidamada booliska kuwaas oo markii dambe soo gaaray goobta u dabkaasi ka socday waxayna isla garabsadeen dadka deeganka si ay u xakameeyan dabkaasi.

Mar wax laga weydiyay Ms Mary-Lucy in ardayda ay kiciyeen dabkaasi ayaa waxay ku jawabtay in aysan fileynin arrintaas maadama aysan ardayda wax dhibaato ah soo sheeganin.

OCPD-ga Siaya Hassan Kaloki ayaa sheegay In ay hadda bilaaben baaritano lagu ogaanayo sababta dhabta ee dhalisay in dabkaasi khasaraha gestay u kaco.

ilaa iyo hadda ma jiro arday u dhawac kasoo garay dhacdadaasi sida ay sheegtay Maamulaha schoolka.

Waxa malmihii ugu dambeeyay hoos u dhacay schooladii la gubaayay Maadama bishii aynu soo dhafnay ay schoolada xirnaayen.

Waxaa la xasustaa in bishii July ee lasoo dhaafay la gubay schoola kor u dhaafayaan 10 school oo ku kala yaala qeybo katirsan dalka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *