Gaari laga qaatay OCPD-ga Magaalada Makweni oo dib loo helay

Ciidamada booliska dalka ayaa lagu soo waramaya in ay dib u heleen gaari u lahaa OCPD-ga galbeedka mbooni oo katirsan Maamul goboledka Makuweni.

Laamaha kala duban ee amaanka ee kusugan dalka gaar ahaan kuwa xududyada ayaa heegan sare la galiyay si loo ogaado mise loo soo qabto gaariga askarigaasi.

OCS-ka gaariga la baxsaday oo lagu magacaabo  Abraham Borborei ayaa lagu soo waramaya in uu iskala tagay gaariga oo noocisa ahaa kuwa loo yaqaano Gran Tiger oo ay inta badan booliska isticmaalan iyadoo uusan u sheegin cid ka tirsan laamaha amaanka.

Waxaa markii dambe gaarigan laga helay goob ay schoolka darawalnimada ku baranayeen ciidamada booliska ay leeyihiin oo kuyaala Industrial Area ee Magaalada tan Nairobi.

OCS-kan oo hadda kujiro gacanta ciidamada booliska ayaa garigaasi waxaa u dhigay meesha kadib markii u sheegay in u cilad qabo islamarkaana dib u habeyn u baahan yahay.

OCPD-ga gaariga la qaatay  J Barasa ayaa goor sii horeysay sheegay in Mas’uulkaasi la wacay telefonkiisa balse surta gal noqon waysay in la helo maadama u damiyay.

Waxa warqado loo qoray dhamaan taliyayaasha ciidamada booliska ee kusugan dhamaan 47 county ee uu dalka ka kooban yahay si loo baadi goobo gobta uu latagay gaarigaasi ka hor inta aan la helin.

Askarigan ayaa lagu wadaa in lagu soo oogo eedeymaha la xiriira in uu si aan sharciga wafaqsaneen u isticmaalay gawaarida dowlada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Gaari laga qaatay OCPD-ga Magaalada Makweni oo dib loo helay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *