Madaxweynaha dalka oo mashaaric kala duban ka furay gobolka xebta dalka

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo kuxigenkiisa oo booqasha ku joogo gobolka xebta ee dalka ayaa halkaas waxay ka fureen mashaaric hormarineed oo kala duban.

Shalay oo jimco ahayd labada mas’uul ee ugu sareyo dalka oo boqday Magaalada Kilifi iyo qeybo katirsan Maamul goboleedka Tana River ayaa waxay halkaas ku dah fureen mashrucyo ay kamid ahayen wadooyinka dayactir lagu sameynayo iyo kuwa cusub oo hadda la dhisaayo.

Kenyatta ayaa furay dhismaha wadada u dhaxeyso Madogo ilaa Magaalada Bura ee countiga Tana river waxaana wadadaasi lagu qiyaasay 129 kilomitir, Madaxweynaha ayaana ugu baaqay dadkii la siiyay qandaraskaasi in shaqooyinka loo igmaday ay si wanagsan u qabtaan hadii kale aysan wax fursad ah ka heli doonin shaqooyinka dowlada.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa dhankiisa u sheegay shacabka ku dhaqan Tana River in dowlada ay ogtahay reer Tana River maadama marki hore Madaxweynaha u booqasho u ku tago Maamulkaasi ay ahayd mid aad u adag.

Labadan Mas’uul ayaa iloowin in ay ka hadlaan siyaasada, waxayna ugu baaqen shacabka aagasi in ay gacan siiyaan xukuumadda Jubilee doorashada soo socoto waxuuna gaar ahaan uu ugu baaqay gavanaha Countigaasi Hussein Daado in uu kusoo dhawaada Isbahaysiga jubilee maadama markiisi hore u xilka ku soo galay xisbiga Wiper.

Madaxweynaha ayaa intaas kadib waxaa uu dib ugu labtay Magaalada malindi taas oo noqoneysay markii ugu horeysay oo Labadan mas’uul ay ku tageen aagaasi kadib markii isbahaysiga Jubilee lagaga guleeystay kursiga barlamaanka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Madaxweynaha dalka oo mashaaric kala duban ka furay gobolka xebta dalka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *