Madaxweynaha dalka Zimbabwe oo dib ugu labtay dalkaasi kadib markii uu howla caafimad dibada u aaday

Madaxweynaha dalka Zimbabwe Robert Mugabe ayaa dalkaasi ku labtay kadib markii howl caafimaad u talaadadii aynu soo dhafnay u aaday dalka dibadiisa.

Robert Mugabe oo ah madaxweynaha ugu da’da weyn aduunka ayaa subaxnimadii saaka oo sabti ah dib ugu labtay Magaalada caasimada u ah dalka Zimbabwe ee Harare.

Maclumaadka laga helayo safarkiisa ayaa tusineysa in uu u ambabaxay Dalka Dubai ka hor safarkiisa saxda ahaa oo u ku aaday qaarada Asia.

92 sano jirna ayaa goor sii horeysay xaalad caafimad u aaday dalka Singapore kadib markii ay la soo darseen xanuuno.

Afhayeenkiisa ayaa gashanka ku dhuftay warar la isla dhex maraayay oo sheegayay in Mugabe u xanuunsana xiligi dalkaasi ay ka dhacayeen banaanbaxa balarna.

Waxaana madaxweynaha la filayaa in xarunta dhexe ee xibigiisa uu kulan kula qaato dhalinyarada dalkaasi.

Maqnaanshihiisa ayaa waxay sare u sii qaaday cabsida laga qabo dalkaasi in ay rabshada ka dhacan iyadoo isbucyo ka hor ay ahayd markii wadankaasi laga soo tabinayay mudaaharadyo looga soo horjeedo xukunka Robert Mugabe.

Ciidamada booliska ayaa mamnuucay dibad baxa gaar ahaan caasimada dalkaasi.

Mugabe oo xilka soo qabtay 1980-kii waqtigii uu wadankaasi xornimada qaatay ayaa ka taliyaa ilaa iyo xiligan waxuuna noqday madaxweynihii ugu xukunka dheera caalamka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *