Madaxweyne Maduro oo sheegay in uu ka hortagay afgambi

Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro, ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka hortagtay isku day u mucaaradka dalkaasi ay doonayen in ay ku abuuraan rabshado iyo burbur hantiyeed.

Magaala madaxda dalkaasi ee Caracas ayaa waxa shalay ka dhacay dibad baxyo isdiidan oo ay dhigayan boqolaal kun oo qof oo qaarna ay taageerayan dowladda madaxweyne Maduro qaarna ay ka soo horjeedaan.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sheegaya in ay isu soo bexeen in ka badan hal milyan oo qof, arrinta oo noqonaysa isu soo bixii ugu ballaarnaa muddo labo sano ah.

Madaxweyne Maduro ayaa sheegay in dibad baxan u qayb ka ahaa isku day lagu doonayay in lagu afgambinayo dowladiisa

Kooxaha mucaardka ayaa doonaya in dalkaasi ay ka dhacdo afti lagu soo afjarayo xukunka madaxweyne Maduro, waxa ayna ku eedeynayaan madaxweynaha dhibaatada dhaqaale ee dalkaasi ka jirto.

Haseyeeshe taageerayaashiisa ayaa sidoo kale gudaha magaalada caasimadda ah ee Caracas waxa ay ka dhigeen dibad baxyo weyn oo ay isaga ku taageerayaan.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Madaxweyne Maduro oo sheegay in uu ka hortagay afgambi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *