Raila odinga oo La filayo in markale uu booqasha ku tago galbedka dalka

Raila-Odinga

Hogaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa lagu wadaa in dabayaaqada isbuucan uu markale booqasha ku tago galbeedka dalka.

Odinga oo booqashadaasi u bilaabman doonto axada berito ah ayaa waxay ka dambeysay markii booqasha sidan oo kala ah u ku tagay isla galbeedka dalka intii u dhaxeysay 18-kii ilaa 22 bishii July ee aynu soo dhafnay.

Xiligaasi ayaa waxaa uu doonayay in uu dajiyo xiisada ka dhax aloosaneed xisbiga uu madaxa u yahay kadib markii qaar kamid ah siyaasiyiin kasoo jeeda gobolkaasi ay ka baxeen xisbiga ODM kuwaas oo bilaabay in dadka ku dhaqan aagaasi ay ka dhaadhiciyan fikrado qaldan oo ka dhan ah xisbiga.

Waxaa hadda la filayaa in booqashada u bilaabayo Odinga in ay keento hadalheyn hor leh oo u dhaxeyn doono isaga iyo hogaamiyaha xisbiga Ford Kenya Moses Wetangula maadama labada xisbiba ay doonayan in ay qeybo ka tirsan galbeedka dalka ka furan xafisyo ay leeyihiin, odinga ayaana isla maalintaasi isu soo baxa ku qaban doono degmada Navakholo.

Dhanka kalana wetangula ayaa la filayaa in u ka qeyb galo aas loo sameynayo danjiri hore oo lagu magacaabi jiray Joshua Odanga kaas oo ka dhacaya degmada Shinyalu kadib Wetangula ayaa isu soo bax ku qaban doonaa Magaalada Navakholo.

Ra’iisul wasaarihi hore ee dalka ayaa inta uu joogo galbedka dalka waxaa lagu wadaa in uu boqdo 9 degmo oo katirsan gobolkaasi waxaana kamid ah, Khwisero, Butere, Shinyalu, Ikolomani, Lurambi, Navakholo, Malava, Lugari iyo Likuyani.

Booqashadan u odinga ku tagayo galbeedka dalka ayaa ku soo aadeysa xilli Moses Wetangula u marar badan ku celcelinaayay isagoo joogo qeybo katirsan gobolkaasi in Odinga uu u dhaafo hoggaaminta Isbahaysiga Cord si uu ugu tartamo xilka ugu sareeyo dalka ee Madaxtinimada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Raila odinga oo La filayo in markale uu booqasha ku tago galbedka dalka

  1. I have been surfing online more than 4 hours
    today, yet I never found any interesting article like yours.
    It is pretty worth enough for me. In my opinion, if all webmasters and bloggers made good content as you did,
    the web will be a lot more useful than ever before. http://bing.org

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *