Ardayda imtixaanada qaran qisha oo la xirayo 10 sano

Maamulka qaran ee imtixaanada dalka ee loo soo gaabiyo KNEC ayaa  doonayo in  la dajiyo shuruuc  qexeysa in qofkii  ka qeyb qaato xatooyada imtixaanada qaran  la xiro mudo dhan 10 sano.

Talaabadan ayaa qeyb ka ah isbedelo looga gol leeyahay in lagula tacaalo  xatooyada imtixaanada qaran  ee  KCPE iyo KCSE-da.

Sharcigan ayaa noqonaya talaabadii ugu darneyd maadama sanadihii hore  ardaygii lagu cadeeyo in  uu wax isdaba marin imtixaanka la xiriirta sameeyo lagu ciqaabi jiray in natiijadiisa la kansalo.

Shalay ayay ahayd markii maamulka KNEC u arrintan soo jeediyay iyadoo imtixnaadka  fasalka 4-aad ee dugsiga sare la qorsheeyay in la bilaabo 7-da bisha Novembar ee sanadkan.

Sii hayaha xilka madaxa fulinta ee KNEC Mercy Karogo  ayaa shuruucdan soo bandhigtay iyadoo sheegtay in xatooyada imtixaanada ay tahay arrin ka soo horjeedo dastuurka dalka qeybtiisa 27-aad.

Sido kale  xabsi geynta 10-ka sano ah waxaa dheeri ku noqon karo ama lagu bedeli karaa ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo shilin.

Qof kasta oo isku ekeysiiyo arday imtixaanka u fariisanaayo oo isku dayo in u mudooyinka kala duwan u sameeyo ayaa la xiraya 2 sano ama ganax lacageed oo dhan  2 milyan oo shilin.

Dhanka kale ardaygii lagu qabto talefoon ama  qalab electronic ah ayaa natiijadiisa wax kama jiraan ah laga soo qaadaya.

Ugu dambeyntina , shuruucdan ayaa ku soo begmaya iyadoo sanadii la soo dhaafay 5,000 oo ka mid ahaa ardaydii u fariistay imtixaanka KCSE-da natiijadoodu daaqada  loogaga tuuray xatooyada imtixaanada awgeed.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *