Ardayda jaamacadaha oo la sheegay in loo qoro in ay ku biraan kooxaha argagixisada

Tirada sara u sii keceysa ee ardayda gacanta lagu dhigayo  kuwaas oo lagu tuhmayo in ay ku biirayaan kooxda ISIS ayaa sii xoojisay walaaca ku aadan in kooxdaas ay xubnahooda ka qorato gudaha dalka.

Gudiga tacliinta  sare  ee jaamacadaha  ayaa  shaaca ka qaaday in ugu yaraan 44 ka mid ah ardayda dhigata jaamacadaha ay waxbarashadoodu isaga tageen si ay ugu biraan kooxaha argagixisada.

Kooxaha  argagixisada ee sida gaarka ah loo sheegay in ay ardaydan ku biraan ayaa  waxa kamid ah kooxda ISIS oo  isku tilmaanta khilaafadda islaamiga kana dagaalanto  wadanka  Libya.

Dhanka kale  waxa walaac xoogan laga muujinaya ardayda barato culuunta caafimaadka ee arrimahan lala xiriirinaayo.

Arbacadii ayay ahayd markii dowlada mareykanka  ay xayiraad saartay  hantida Abduqadir Mumin oo lagu sheegay in uu yahay hogaamiyaha kooxda ISIS u qaabilsan bariga Afrika.

Isniintii ayay ahayd markii ciidamada la dagaalanka argagixisada ee ATPU-da ay gacanta ku dhigeen, Mohamed Shukri  iyo  Abdulrazak Abdinuur oo tababar waxbarasho u joogay  cisbitalka Malindi.

Ugu dambeyntina  sanadii la soo dhaafay  ayaa gacanta lagu dhigay  4 arday oo kale oo isla cisbitaalka malindi  tijaabo u joogay  oona la sheegay in ay qorsheynaayen in ay ku biraan kooxda ISIL.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *