Booliska oo mid sharci dara ah ku tilmaamay kulan looga hadlaayay muran dhanka dhulka ah

Kulan loo soo qabanqaabiyay in  xal loogu helo muran dhanka dhulka ah oo u dhexeeyo militariga dalka iyo dadka ku dhaqan Kwambuzi oo ka tirsan magaalada Nyanyuki ee galbeedka Maamul goboleedka Laikipia ayaanan qabsoomin.

Arrintan ayaa  timid kadib markii ciidamada boolisku ay soo afjareen kulanka oo ay ku tilmameen mid sharci daro ah.

Dadkii  kulanka ka soo qeyb galay ayaa lagu amray in ay tagaan kanyonyi oo markii dambe kulankaasi lagu qabtay.

Waxay wararku intaas ku daraayan in dadka degaankaasi la siiyay  500 oo ekar oo xoolahoodu ay ku daajiyaan kadib markii laga soo ceyriyay Nyanyuki.

Xildhibanka galbeedka Laikipia  Mutahi Kimaru ayaa  talaabada rayidka la sheegay in dhulka laga la wareegay ku tilmaamay mid xaq daro ah.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Booliska oo mid sharci dara ah ku tilmaamay kulan looga hadlaayay muran dhanka dhulka ah

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *