Garsoore Wanjala oo ka dhawaajiyay qorshihiisa hadii loo magacaabo madaxa cadaalada

Garsoore  Smokin Wanjala ayaa shalay gudiga adeega garsoorka  ee JSC u sheegay in  dhageysiga dacwadii  ku sabsaneyd doorashadii guud ee 2013-ka ay ahayd  kiiskii ugu adkaa oo uu dhageysto.

Smokin Wanjala  ayaa gudiga  u sheegay in hadii  fursad la siiyo mar kale uunan jeclen in uu dhageysto dacwad la mid ah midi doorashadii ugu dambeysay.

Xiligii u hadalkan sheegay ayuu gudiga JSC turxaan bixin ku sameynaayay dadka soo dirsaday codsiyada ay ku doonayan in ay buuxiyaan jagadii u baneeyay madixii cadaalada Willy Mutunga.

Dr Wanjala ayaa  xusay hadii u xilka qabto in u sii wadi doono isbedelada u bilaabay Dr. Willy Mtunga.

Sido kale garsooraha ayaa ka dhawaajiyay in u dardargelin doono sidii loo soo dhisi lahaa qeyb qaabilsan dambiyada caalamiga ah.

Garsoore  Wanjala  ayaa balanqaaday in uu ka taqaluusayo  dadka la sheego in ay  falal lidi ku ah dastuurka dalka ka dhex fuliyaan waxda garsoorka.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *