Hoggaamiyaha cord Raila Odinga oo ku gacan seyray in uu musharax kale tageerayo

Raila-Odinga

Hoggaamiyaha isbahaysiga mucaradka ee Cord Raila Odinga  ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in musharax kale u tageeri doono sanada 2017-ka si u jagada madaxweynenimo kula tartamo jubilee.

Raila  ayaa xusay  in uu yahay qofka keli ee si weyn loogu tageerayo in uu isbahaysiga u matalo xilka madaxweynanimo ee doorashada soo socoto.

Raila  ayaa yiri dadka u maleynayo in an sanada 2017-ka cid kale dhisayo waa in ay hurdada ka kacdaa.

Hadalka Raila  ayaa imaanaya iyadoo la sheegay in u tageeri  doono hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka, Moses Wetang’ula  ama hogaamiyaha isbahaysiga Amani Musalia Mudavadi

Dhanka kale hoggaamiyaha cord ayaa sheegay in u ku raja weynyahay in isbahaysiga u madaxa ka yahay u guuleysanayo.

Ugu dambeyntina Raila Odinga  ayaa madaxweynaha dalka ku eedeyay in uunan oofinin balanqaadyadii  sanadii 2013-kii.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Hoggaamiyaha cord Raila Odinga oo ku gacan seyray in uu musharax kale tageerayo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *