Madaxweynaha oo hogaamiyasha gobolka xeebta ku amaanay sida ay dowlada ula shaqeynayaan

Madaxweynaha dalkan Kenya Uhuru Kenyatta  ayaa amaanay qaar ka mid ah madaxda gobolka xeebta oo si buuxda ula shaqeynayo maamulka jubilee si loo wanaajiyo noolasha shacabka ku dhaqan  degaanadaasi.

Sido kale madaxweynaha ayaa xusay in  jubilee ay diyar u tahay in ay  la shaqeyso  hoggaamiyaasha  diirada saarayo horumarka  oo ka soo jeedo gobolka xeebta iyo guud ahaan dalkaba.

Dhanka kale madaxweyne Uhuru ayaa siyaasiyiinta ku booriyay in ay ku dadalaan sidii xal loogu heli lahaa dhibatooyinka shacabka heysta.

Hadalkan ayuu madaxweynaha jeediyay xili u dadweynaha kula hadlaayay munasabad ka socotay  dugsiga hoose dhexe ee Jomo Kenyatta Primary School oo ku yaalo  Msambweni.

Sido kale madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa gavanaha Mombasa Cali Xassan Joho u sheegay in ay iska kaashan karaan horumarinta countigaasi.

Horay  ayuu madaxweynaha xariga uga jaray qalab caafimad  oo  qiimihiisu lagu  qiyaasay 400 milyan oo shilin oo la geeyay cisbitaalka Msambweni .

Ugu dambeyntina , gavanaha Mombasa Cali Xassan Joho ayaa dhankiisa sheegay in u la shaqeynayo maamluka jubilee balse uunan marnaba isaga baxeynin xisbiga ODM.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *