Nin lagu aasay maqaarka lo’oda

Shacabka ku dhaqan tuulada Getaari  ee maamul goboleedka Nyamira  ayaa dhawaan  la kulmay dhacdo la yaab leh kadib markii meydka   nin da’adiisu tahay 97 sano lagu duubay maqaarka lo’oda  oo sidaasna lagu  aasay.

Qoyska ninkan lagu magacaabo  Mogambi Nyabuto ayaa sheegay in ay oofinayeen dardaarankiisa.

Mr Robert Mose oo ah walaalkan odaygan  geeriyooday ayaa yiri walalkey waxaa uu si cad u sheegay talaabada la qaadayo markii uu dhinto taas oo ah in anan la geynin goobta meydadka lagu keydiyo.

Sido kale Mr Robert ayaa sheegay in walalkiis u si weyn u ilaalin jiray dhaqanka oo uuna weligiis kabo xiranin .

Dardaaranka  Mogambi Nyabuto waa ka mid ahaa in seddex maalin kadib la aaso oo anan la gelinin sanduuqa janaasada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *