Booliska oo xiray dad loo heysto in ay taleefonno qaali ah ka xadeen shirkii TICAD

Ciidamada booliska ee ka howl gala magaalada Nairobi ee caasimadda u ah dalka ayaa gacanta ku haya 5 ruux oo lagu tuhunsanyahay in ay boobeen taleefanno loogu tala galay in ay isticmaalaan ergadii ka qeyb galeysay shirkii Africa iyo Japan ee TICAD ee dhawaan ka dhacay Nairobi.

Taleefonnadaasi kuwa gacanta ah oo laga qaatay nin ganacsade ah ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 200 oo xabo waxana qiimahooda lagu sheegay in u ku kacayaa ilaa 30 million oo shilinka dalka ah.

Dadka la tuhunsanyahay ayaa sameystay warqado aqoonsi oo been abuur ah, iyagoo ay u suurta gashay in ay la wareegaan taleefonnadaasi oo uu noocooda ahaa kuwa loo yaqaanno iPhone 6 iyo iPad.

Wararka qaar ee ay warbaahinta maxaliga ah shaaciyeen ayaa sheegaya in 5-ta qof ee la xiray ay wateen waraaqo aqoonsi ah oo ay sheegeen in ay kasoo baxeen wasaaradda arrimaha dibadda.

Maxkamadda ayaa booliska u ogolaatay in ay ilaa maalinta arbacada ah soo dhameystiraan baaritaannada la xiriira eedeysaneyashaasi xabsiga loo taxaabay.

Marka ay baaritaannadooda soo idlaadaan ayaa waxaa ay wajihi doonaan dacwado la xiriira sameysashada warqado aqoonsi oo been abuur ah, sida laga soo xigtay saraakiisha booliska ee arrintaan ku guda jira.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *