Dad badan oo ku dhintay qaraxyo maanta ka dhacay Syria

Ugu yaraan 40 ruux ayaa ku geeriyootay halka tobanaan qof oo kalena ay ku dhaawacmeen ilaa 5 qarax oo intooda badan maanta ka dhacay deegaanno ay maamulaan ciidamada dowladda Syria.

Warbaahinta dowladda Syria ayaa soo tabisay in ay qaraxyadaasi dhaceen subaxnimadii hore ee maanta oo Isniin ah.

Weeraradaan oo ay fuliyeen dad isasoo miidaamiyay ayaa laga beegsaday magaalo xeebeedka Tartous, magaalada ku taalla bartamaha Syria ee Ximis, iyo xaafado ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Dimishiq.

Sidoo kale waxaa qaraxyadaasi ay ka dheceen degmooyin ay maamulaan kooxaha kurdiyiinta ee ka dagaalama waddanka Syria.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *