Dad isugu jira ajaanib iyo Kenyan oo lagu qabtay maandooriyaal qiimahooda gaarayo 26 million oo shilin

2 qof oo u dhalatay waddanka Tanzania iyo qof kale oo Kenyan ah ayaa xabsiga loo taxaabay xili ay safrinayeen maandooriyeyaasha mamnuuca ah ee loo yaqaanno heroine-ta iyo cocaine-ta.

Sadexda ruux ee ay booliska Nairobi gacanta ku dhigeen ayaa xiligaas heystay 3,890 xirmo oo maandooriyaha cocain-ta ah oo qiimihiisu ku kacayo 20 million oo shilin iyo 2 kilo oo maandooriyaha heroin-ta ah oo qiimihiisa lagu qiyaasay 6 milyan oo shilinka dalka ah.

Eedeysaneyaasha ajaanibta ah oo lamaane ah ayaa lagu qabtay xaafad lagu magacaabo Mlolongo oo ku taalla wadada Mombasa Road, iyagoo kusoo wajahnaa magaalada tan Nairobi.

Dadkaan oo la xiray axaddii shalay ayaa markii hore kasoo safray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, sida laga soo xigtay saraakiisha booliska.

Ciidamada ammaanka ayaa intaas ku daray in lamaanahaas ay ku hogaamiyeen in ay soo xiraan qofka Kenyanka ah oo ah haweeney, taasoo la sheegay in ay wakiil u ahayd iyaga.

Haweeneydaasi oo lagu magacaabo Elizabeth Njoki ayaa laga soo xiray aqalkeeda oo ku yaalla xaafadda waqooyiga Muthaiga ee isla magaalada tan Nairobi.

Qaar ka mid ah maandooriyaha la qabtay ayey booliska ugu tageen guri kiro ah oo ay shaqsiyaadkaan markii dambe geeyeen.

Howlgalkaan ayaa kusoo aaday ku dhawaad 2 isbuuc kadib markii ay booliska Mombasa gacanta ku dhigeen maandooriyaha heroine-ta oo qiimeheedu gaarayay 10 million iyo dad la tuhunsanyahay oo watay daroogadaasi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Dad isugu jira ajaanib iyo Kenyan oo lagu qabtay maandooriyaal qiimahooda gaarayo 26 million oo shilin

  1. Greetings from Colorado! I’m bored at work so I decided to
    browse your site on my iphone during lunch break. I enjoy the information you
    provide here and can’t wait to take a look when I get home.
    I’m surprised at how fast your blog loaded on my phone ..

    I’m not even using WIFI, just 3G .. Anyways, wonderful blog! http://Bing.net/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *