Fahfaahin kasoo baxeyso qaraxyo mataano ah oo galabnimadii maanta ruxay magaalada Kabul ee caasimada dalka Afghanistan

Qaxaxyo aad u xoogan oo mtaano ay ayaa galbanimadii maanta lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen Magaalada Kabul ee caasimada u ah dalak Afghanistan.

Laba qof oo naftooda hurayaal ah ayaa isku qarxiyay afaafka hore ee wasaarada dicaafada dalkaasi iyadoo qaxaydaasina ay ka dhasheen khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhawacbo.

Warark qaar ayaa waxay intaas kudarayaan in qaraxyadaasi ay ku dhinteen 24 qof dad kor u dhaafayo 91 qofna ay ku dhawacmeen sidiaasina waxaa laga soo xigtay wasaarada caafimadka.

Goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ka agdhow wasaarada maaliyad, saldhigyo ay lee yihiin ciidamada booliska ee dalkaasi iyo sidoo kale suuq aad u balaaran oo lagu iibiyo agabyo kala duban.

Qaraxyadan ayaa waxaa fuliyeen laba qof oo naftooda hurayaal oo katirsan kooxda Taliban ee halkaasi ka dagaalanta sida ay ku soo qoreen barta ay ku lee yihiin twitterka.

Dad goob joogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in markii uu dhacay qaraxii koowad daqiiada yar kadib uu dhacay qaraxa labaad kadib markii dadkii meeshas jogay ay kuguda jireen in ay caawiyaan shacabkii ku wax yeeloobay qaraxi hore.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Fahfaahin kasoo baxeyso qaraxyo mataano ah oo galabnimadii maanta ruxay magaalada Kabul ee caasimada dalka Afghanistan

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *