Ganacsatada Khadka oo ka hadashay go’ankii dowlada soomaliya sida KMG ah kujoojisay khadkii loo doofin jiray dalkaas

Ganacsatada khadka ee ku dhaqan gudaha dalkani Kenya gaar ahaan kuwa beerahooda kasoo gooya geedaha khadka ayaa si aad ah ooga soo horjestay go’ankii ay dowlada dalka soomaliya sida KMG ah ugu joojisay khadkii lo dhoofin jiray dalkeeda.

Ganacsatada ayaa waxay sheegen in arintan aysan eheyn mid goo sii horeysay loo ga digay balse ay tahay tilaabo si kadis ah ay u qaaday dowlada soomaliya taaso oo ay ku sheegen in ay filayaan in saameyn xoogan ay ku rebto.

Qaar kamid ah oo warbahinta la hadlayay ayaa darenkooda u muujiyay sida tan.

Tani ayaa kadambeysay kadib markii dowlada federalka ah ee soomaliya ay maanta ku dhawaqday inay si KMG ah u joojisay duulimaadyada qaadka ee ka tagi jiray dalkani Kenya laga bilaabo 6-da bisha September oo maalinta berri ku beegan

Wasiirka Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya Cali Axmed Jaamac Jangali oo arintaasi xaqiijiyay ayaa sheegay in si KMG ah loo joojiyay duulimaadyada qaadka ee tagi jiray Soomaaliya.

Mr Jangali ayaa sheegay in ay dib ka soo sheegi doonaan sababaha keenay in si KMG ah loo joojiyo duulimaadyada Qaadka ee imaan jiray Soomaaliya.

Tilaabadani ay qaaday dowlada federalka ah ee soomaliya ayaa hadda waxa si ka hadlay qaar kamid ah dadkii ka ganacsaneyay jaadka oo kusugan dalkani Kenya gaar ahaan Countiyada laga soo gooyo qaadka sida Maamul goboledka Meru.

Shacabka ka ganacsata jaadka ayaa markii horeba la daala dhacayay khasaaro ay sheegen in ay lasoo darastay kadib markii qaar kamid ah wadamada Urupta ay joojiyeen qaadkii la geyn jiray dalkooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Ganacsatada Khadka oo ka hadashay go’ankii dowlada soomaliya sida KMG ah kujoojisay khadkii loo doofin jiray dalkaas

  1. Hello there! This blog post couldn’t be written any
    better! Going through this post reminds me of
    my previous roommate! He continually kept talking about this.
    I will send this information to him. Fairly certain he will have a good
    read. Thank you for sharing! http://bing.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *