Kuuriyada waqooyi oo tijaabisay gantaallo hor leh

Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo waramaya in ay tijaabisay 3 gantaal oo ka mid ah gantaallada ridada dhexe ee lagu rakibi karo madaxyada Nuclierka.

Howlgalka lagu tijaabiyay gantaalladaasi oo ah kuwa Balaastiga ayaa ka dhacay xeebaha bari ee waddanka Waqooyiga Kuuriya.

Saraakiil u hadashay dowladda Kuuriyada Koonfureed oo si aad ah ula socda dhaqdhaqaaqyada Kuuriyada Waqooyi ayaa warbixin ay maanta oo isniin ah soo saareen waxa ay ku sheegeen in 3-da gantaal laga tuuray magaalada Hwangju ee dhacda galbeedka dalka Kuuriyada Waqooyi kadibna ay ku dhaceen xeebaha bari ee dalkaasi.

Taliska Milatariga Kuuriyada Koonfureed oo ay colaad kala dhaxeyso kuuriyada Waqooyi ayaa sheegay in gantaalladaasi ay hawada ku duulayeen masaafe dhan 1,000 kilo mitir.

Ugu yaraan 1 gantaal oo ka mid ah kuwaas ayaa ku xadgudbay hawada dalka Japan ee ay ilaalada ka hayaan ciidamada difaaca ee Japan.

Tallaabadaan oo ay xukuumadda Piongyang ku muujineyso cududeedda Milatary ayaa sida iska cad loogu tala galay in lagu beego waqtiga uu hadda dalka Shiinaha ka socdo shir madaxeedka ururka G20 ee  ay ku bahoobeen dalalka ku hor maray dhaqaalaha, quwadda military iyo warshadaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *