Mareykanka iyo Ruushka oo ku guul dareystay xabad joojin laga sameeyo Syria

Dowladaha Mareykanka iyo ruushka ayaa ku guul dareystay isku day ay ugu xusul duubayeen in ay ku hir galiyaan in ay xabad joojin kala saxiixdaan dhinacyada isku haya dalka Syria ee kala ah mucaaradka iyo dowladda.

Wakiillo kala matalaya xukuumadaha Washington iyo Moscow ayaa damacsanaa in ay soo gaba gabeeyaan qorshaha loogu jiray gaaritaanka heshiiskaasi oo u muuqday in uu meel wanaagsan marayay.

Muddo isbuucyo ah ayey dadaalladaan si wada jir ah u wadeen labada dowladood ee Mareykanka iyo Ruushka.

Hase ahaatee arrintaan ayaa suurta gali weysay maadaama ay jiraan shuruudo aad u adag oo uu dhinac kasta ku xiray in uu saxiixo xabad joojinta.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in ay jiraan farqiyo aad u waaweyn oo u dhexeeya dhinacyada ku hardamaya siyaasadda dalka Syria, xilli uu hadda aad usii xoogeystay dagaalka.

Hadalkaan ayuu Obama sheegay isagoo hadda ka qeyb galaya shir weynaha dalalka quwadda, dhaqaalaha iyo warshadaha ku hor maray ee loo yaqaanno G20.

Shirka G20 oo ay ka qeyb galayaan hogaamiyeyaal fara badan ayaa waxaa sanadkaan marti galisay dowladda Shiinaha.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Mareykanka iyo Ruushka oo ku guul dareystay xabad joojin laga sameeyo Syria

  1. I’ve been surfing online greater than three hours lately, but I by no means
    discovered any interesting article like yours. It’s
    pretty value enough for me. In my view, if all webmasters and bloggers made just right content as you probably did, the web will likely be a lot more useful than ever before. http://yahoo.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *