Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo booqday qoyska wasiirkii hore ee geeriyooday

Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa maanta booqday qoyska uu kasoo jeedo wasiirkii hore ee xukuumaddii Kibaki, William ole Ntimama oo dhawaan geeriyooday.

Madaxweynaha oo ay wehlinayeen saraakiil kale oo ka tirsan dowladda ayaa saaka tagay guri ay xubnaha qoyska Ntimama dagan yihiin oo kuyaalla xaafadda Lavington ee magaalada tan Nairobi.

Kenyatta ayaa ballan qaaday in dowladdu ay aas qaran oo si weyn loo agaasimay u sameyn doonto meydka wasiirkii hore ee ka tirsanaan jiray dowladdii ka horeysay midda hadda dalka ka arrimisa.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Ntimama uu ahaa hogaamiye qaran oo u qalma in ixtiraam loo sameeyo.

Saraakiisha madaxweynaha ku wehlineysay booqashada uu ugu tagay qoyska Ntimama ayaa waxaa ka mid ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo isku duwidda amaanka qaranka Joseph Nkaissery, hoggaamiyaha aqlabiyadda ee aqalka baarlamaanka, Nicholas Biwott oo ahaa wasiir horay uga tirsanaa xukuumaddii xisbiga KANU, xildhibaanno iyo hogaamiyeyaal kale oo kasoo jeeda Countiyada Narok, Kajiado iyo Samburu.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *