Ururka macalimiinta KNUT oo ku gacan seyray tababar ay qaban qaabiyeen gudiga TSC

Masuuliyiinta ururka ay ku bahoobeen macalimiinta qaranka ee marka magaciisa lasoo gaabiyo loo yaqaanno KNUT ayaa ka baaqday ka qeyb galidda tababar ku saabsan wada xaajoodka mushaar kordhinta oo ay qaban qaabiyeen saraakiisha gudiga adeegga macalimiinta u qaabilsan dowladda ee TSC.

Tababarkaas ayaa loogu tala galay in ay macalimiinta ku qaataan duruus, xili dhawaan la filayo in uu furmo shirka wada hadalka dhinaca mushaaraadka ee ay labada dhinac yeelanayaan.

Hase ahaatee, ururka ay ku mideysanyihiin macalimiinta dugsiyada sare ee loo yaqaanno KUPPET ayaa wakiillo u diray si ay uga qeyb galaan siminaarkaasi tababarka ah.

Hay’adda isku xirta ururada wax shaqaaleysiiya ee lagu magacaabo Federation of Kenya Employers ayaa fulineysa tababarkaasi, iyadoo mataleysa gudiga adeega macalimiinta ee magaciisa loo soo gaabiyo TSC.

Siminaarkaasi ay ku gacan seyreen madaxda macalimiinta qaranka ayaa muddo 5 maalmood ah ka soconaysa xarunta machadka shaqaalaha ee Tom Boya ee magaalada tan Nairobi.

Dhawaan ayey labada urur ee macalimiinta dalka ee kala ah KNUT iyo KUPPET soo bandhigeen dalabaad ku saabsan mushaar kordhin u dhaxeysa 200% ilaa 300%.

Horay ayey barayaasha iyo gudiga shaqaaleysiiya ee dowladda Matala isugu waafaqi waayeen wada xaajoodyo fara badan oo ku saabsanaa dhinaca mushaar kordhinta.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Ururka macalimiinta KNUT oo ku gacan seyray tababar ay qaban qaabiyeen gudiga TSC

  1. I have been surfing online more than 4 hours today, yet I never found any interesting article
    like yours. It’s pretty worth enough for me.
    Personally, if all site owners and bloggers made good content
    as you did, the web will be much more useful than ever before. http://yahoo.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *