Wasiirka ciyaaraha oo maanta kasoo hor muuqanaya baarlamaanka

Wasiirka wasaaradda ciyaaraha ee dalka Hassan Wario ayaa la filayaa in uu maanta kasoo hor muuqdo xildhibaannada gudiga ka tirsan baarlamaanka, si uu sharaxaad uga bixiyo habkii uu u maamulay dhibaatooyinkii ay ciyaartoyda Kenya la kulmeen intii ay socdeen ciyaarihii Olympicada ee ka dhacay dalka Brazil.

Wariyo ayaa hor tagi doona mudaneyaasha aqalka baarlamaanka ee xubnaha ka ah gudiga shaqada iyo arrimaha bulshada ee aqalka baarlamaanka.

Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in ay wasiirka weydiiyaan su’aalo ku saabsan tallaabooyinkii ay wasaaraddiisa u qaaday u diyaar garowga ka qeyb galidda ciyaarahaasi iyo wafdiyadii ka socday dhinaca Kenya ee tagay magaalada Rio Di Jeneiro ee dalka Brazil.

Gudoomiyaha gudiga shaqada ee baarlamaanka David Were ayaa sheegay in ay muhiimad weyn u arkeen u yeerista wasiirka, si ay su’aalo u weydiiyaan.

Arrintaan ayaa ka dambeysay markii ay soo baxeen eedeymo fara badan oo ku saabsan habkii loo maareeyay wafdiyadii Kenya ka socday ee ka qeyb galay ciyaarihii Olypicada, iyadoo la sheegay in tiro aad u badan oo dad ah ay u safreen dalkaasi.

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa bishii hore gaaray magaalada Rio, si uu dhiirri galin u siiyo ciyaartoyda Kenya oo billado kasoo qaatay tartamadii Olympicada.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *