Madaxda maamul goboleedyada oo sheegay in ay maxkamad la tiigsan doonaan xil ka qaadistii barasaabka Nyeri

Masuuliyiinta golaha ay ku bahoobeen madaxda maamul goboleedyada dalka ayaa wacad ku maray in ay maxkamadda la tiigsan doonaan sidii ay waxba kama jiraan uga soo qaadi lahaayeen tallaabadii ay dhawaan baarlamaanka hoose ee Nyeri xilka uga qaadeen barasaabkii gobolkaasi Nderitu Gachagua.

Gudoomiyaha golaha Gavanarada ahna hoggaamiyaha maamul goboleedka Meru Mr Peter Munya ayaa sheegay in Gachagua aan la siinin wax fursad ah oo uu isku difaaco.

Hadalkaan ayuu Munya sheegay isagoo ku sugan magaalada Naivasha ee maamul goboleedka Nakuru.

Tallaabada ay qaadeen xildhibaannada golaha wakiillada deegaanka ee Nyeri ayuu Munya ku tilmaamay mid ka fog caddaaladda, sidaas awgeedna ay maxkamadda la tiigsan doonaan.

Isbuucii la soo dhaafay ayey ahayd markii ay mudaneyaasha baarlamaanka hoose ee Nyeri ku guuleysteen in ay xafiiska ka eryaan masuulkii ugu sarreeyay maamul goboleedka, kadib markii ay u jeediyeen eedeymo ku saabsan maamul xumo.

Mr Gachagua oo ay taageersanyihiin qaar ka mid ah xildhibaannada golaha wakiillada ayaa ku gacan seyray xil ka qaadistiisa.

Aqalka Senete-ka ee fadhigiisu yahay magaalada Nairobi ayaa la filayaa in ay fadhi ka yeeshaan arrintaasi, iyadoo dhageysan doona mooshinka la xiriira xil ka xayuubinta barasaabka Nyeri.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *