Madaxweyne kuxigeenka dalka oo ku baaqay in dhalinyarada ay bartaan xirfadaha beeraha

Madaxweyne kuxigeenka dalka William Ruto ayaa ku baaqay in sare loo qaado nidaamka wax barashada Kenya, si loo soo saaro dhalinyaro leh xirfado heer sarreeya oo ku aadan wax soo saarka beeraha.

Mr Ruto ayaa sheegay in dalka uu ka gudbi karo caqabadaha cunno yaraan kaliya markii la helo dad fara badan oo Kenyan ah, gaar ahaan dhalinyarada oo ka shaqeeya waxda beeraha.

Sidoo kale haweenka ayuu sheegay in ay mudanyihiin  in loo yeelo awood iyo xirfad shaqo oo noocaas ah, si ay u helaan fursad ay ku muujiyaan kartidooda dhinaca shaqada.

Dhanka kalena madaxweyne ku xigeenka ayaa dhiiri galiyay in maalgashi lagu sameysto wax soo saarka beeraha ee dalka, arrintaas oo uu ku micneeyay mid meel sare gaarsiin karta dhaqaalaha guud ee Kenya isla markaana ay xoojineyso badeecooyinka loo suuq geeyo dalka dibaddiisa.

Hadalkaan ayuu ruto ka sheegay munaasabad maanta oo arbaca ah ka dhacday xarunta madxafka qaranka ee magaalada tan Nairobi.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *