Nin lagu tuhunsan yahay falal argagixiso oo gacanta booliska ku sii jiri doona

Nin looga shakisan yahay in uu xiriir la leeyahay kooxaha loogu yeero argagixisada islamarkaana ay booliska si aad ah ugu dawajireen ayaa gacanta ciidaamada ku sii jiri doonaan muddo dheerad ah si loo soo dhamestiro baaritano lagu hayo.

Mwandego Mohamed, ayaa la rumeysan yahay in uu ka yimid dalka Uganda waxana lagu xiray tuulo lagu magacaabo Zibani shalay oo talaada ahayd, waxana ninkaasi gacanta ku soo dhigeen cutubyo katirsan ciidaamda loo yaqano Flying Squadka oo ka kala socday Magaaloyinka Kwale iyo Mombasa ee gobolka xebta ee dalka.

Mohamed ayaa lagu amray in xabsiga uu ku sii jiro muddo 14 malmood ah taas oo ka dambeysay kadib markii Madaxa ciidamada dambi baarista degmada matuga Stephen Muli, uu xaakinka maxkamada uu kasoo hormuqday eedeysanahan ka dalbaday in gacanta lagu siihayo.

Laamaha amaanka ayaa waxay sheegen in ninkan lagu soo helay bam gacmeed iyo aalado kale oo qarxa .

Xaakinka maxkamada Magaalada Kwale Cosmas Maundu ayaa ku amray ninkaasi in isbitaal la geeyo maadamada uu xanuun la ildaran yahay iyadoo dhageysiga kiiskisa dib loo dhageysan doono 22-ka bishan September.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *