Booliska Nyeri oo xiray arday muqaadaraad isticmaaleysay

Ciidamada booliska ee ka howl gala maamul goboleedka Nyeri ayaa maqribnimadii  xalay xabsiga u taxaabay 10 arday oo wax ka dhigata dugsiga sare, kuwaasoo xiligaas isticmaalayay maandooriyeyaasha mamnuuca ah.

Dhalinyaradaan lagu qabtay magaalada Nyeri oo isugu jiray 9 wiil iyo 1 gabar ayaa waxa ay dhammaantood dhiganayeen schoolka sare ee Tetu ee Countiga Nyeri.

Ardaydaan ayaa waqtiga ay booliska la kulmayeen waxa ay cabayeen khamri , xashiish iyo qaad.

Booliska ayaa waxaa dhaqanka ardaydaan kusoo war galiyay xubno ka tirsan shacabka oo arkay ardayda maandooriyeyaasha isticmaalaya oo intooda badan ku labisnaa Uniform-ka ay schoolka uga yimaadeen.

Dad goob joogeyaal ah ayaa kusoo waramay in ay ardayda qaarkood isku dayeen in ay booliska gacantooda ka baxsadaan, in kastoo ay awoodi waayeen, maadaama ay aad u sarqaansanaayeen.

Saraakiisha booliska ayaa sheegay in hadda ardaydaasi ay ku xiranyihiin saldhiga booliska ee bartamaha magaalada Nyeri, iyagoo dhawaanna kasoo hor muuqan doona maxkamadda.

Ardayda Schoollada ayaa waxaa gabi ahaanba mamnuuc ka ah in ay isticmaalaan waxyaabaha muqaadaraadka ah, waxaana ay laamaha dowladda si joogto ah waalidiinta ugu baaqaan in ay ka war qabaan dhaqamada carruurtooda.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *