Maxkamad ku taalla Falastiin oo is hor taagtay doorashooyinka maxaliga ah

Maxkamad uu fadhigeedu yahay dalka Falastiin ayaa amar ku bixisay in la hakiyo doorashooyinka maxaliga ah ee la qorsheynayay in ay ka dhacaan daanta galbeed iyo Marinka Gaza, sida ay maanta shaacisay wakaaladda wararka ee AFP.

Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee falastiiniyiinta oo uu in muddo ah ololeheeda socday ayaa lagu waday in ay qabsoomaan 8-da bisha October ee soo socota.

Go’aanka kasoo baxay maxkamadda ku taalla magaalada Ramallah ee Daanta Galbeed ayaa yimid kadib markii uu isasoo taray muran siyaasadeed oo u dhexeeya xisbiyada iska soo hor jeeda ee Fatax iyo Xamaas.

Labada urur oo awood ku dhex leh shucuubta Falastiiniyiinta ayaa isku heysta sida ay u qeybsan lahaayeen soo xulista musharaxiinta u tartameysa xilalka sar sare ee doorashada.

Xamaas oo gacanta ku heysta maamulka guud ee Marinka Gaza ayaa hadda ka hor ku gacan seyrtay in ay ka qeyb gasho doorashadii maxaliga ahayd ee Falastiin ka dhacday sanadkii 2012-ki.

Star FM is the leading Somali-language radio station in Somalia, Kenya and Ethiopia. It is independent, neutral and listener-driven. Tune in today for reliable news and exciting programmes.

1 thought on “Maxkamad ku taalla Falastiin oo is hor taagtay doorashooyinka maxaliga ah

  1. I have been surfing online greater than 3 hours these days, but I
    by no means found any fascinating article like yours. It is beautiful worth enough for me.
    Personally, if all website owners and bloggers made good content material as you probably did, the
    internet will likely be much more useful than ever before. http://bing.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *